Taariikh Kooban

Rowda Abdullahi Olad waxey ku dhalatey Degmada Hodan ee magaalo madaxda Soomaliya ee  Muqdishu. Rowda ayaa waxbarashadeeda dugsi sare ilaa heer jaamacadeed ku soo dhameysay dalka mareykanka gaar ahaan gobalka Ohio.

Kadib waxbarashadeeda dugsiga sare, Rowda ayaa ka mid noqotey City Year, Americorps, oo ah barnaamij lamid ah shaqo qaran oo wax looga qabanayo tayaynta waxbarashada iskuulada ay waxbarashadooda liidato iyo wax kaqabadka siyaasada horumarinta saameysa dhinaca waxbarashada, caafimaadka, iyo barnaamijyada kale wax loogu qabto horumarinta dhalinyarada ee gobalka Ohio. 

Rowda, waxey ka qalinjabisay Jaamacada The Ohio State University halkaas oo ay ku baratey cilmiga looyaqaan Psychology amase cilmi nafsi. Heerka 2aad ee Jaamacada ayay ka qalinjabisay Ohio University halkaas oo ay ku taqasustey daryeelka dhimirka (Clinical Mental Health Counseling). Rowda, waxey macalin ka aheyd mudo dheer noqotey Columbus State Community College qeybteeda luuqadaha. Sidoo kale waxey ka soo shaqeysay hey’addo kala duwan.


Rowda, inta ay joogtey mareykanka waxey qeyb weyn ka qaadatey u dhaqdhaqaaqa bulshada reer Ohio, ayadoo hogaamin jirtey barnaamijyada lagu caawinayo dadka dhiban ee Soomaliya jooga siiba xiliyada abaaraha. Rowda ayaa ka mid ahayd aasaasayaasha Future Volunteers,  iyo Qarandoon oo dhamaan ah barnaamijyo iskaa wax u qabso ah ilaa iyo maanta dhalinyaradii ay ku tababartay amase kaalinta weyn kala qaadan jirey u shaqeenta danta guud  ayaa waxqabadkii halkaa kasii wadaa oo waxqabad leh tayo iyo wanaag u qabta bulshada reer Ohio iyo Soomaliya.

Sidoo kale Rowda ayaa hogaamin jirtey kana mid ahaan jirtey barnaamijyo kala duwan iyo madallo kala duwan oo looga hadli jiray xaalada Soomaliya iyo hagaajinta siyaasada Soomaliya.


Rowda, markii ay ku soo noqotey Soomaliya, waxey kamid noqotey Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayadoo ahayd Xoghaya Guud iyo isku Xiraha xiiriirka guddiga iyo hay’adaha. Sidoo kale Rowda Colaad, waxey soo noqotey gudoomiyihii hore ee degmada Waaberi.

Rowda, lixdii sano ee la soo dhaafey waxey aad ugu shaqeysay horumarinta caafimaadka dhimirka, dhibaatooyinka tiiraanyada ee laga dhaxley dagalaada sokeeye iyo masiibooyinka kale. Sidoo kale waxey wacyigalin iyo talo bixino heerar kala duwan ah ka sameysay xiriirka ka dhaxeeya dhaawacyada qarsoon ee maskaxda iyo caqadaha nabadeynta (mental Health and peacebuilding),  Sidoo kale, Rowda waxey wadanka ku soo biirisay qeybta daryeelka maanka oo looyaqaan “psychotherapy’ oo ah in qofka lagu daaweyo hadal cilmiyeysan. 

Rowda ayaa hadda ka tirsan Jaamacadda George Mason University xarunteeda Mary Hoch Center for Reconciliation ee ku taala magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Waxa ay hadda gacanta ku haysaa diyaarinta buug ku saabsan Daryeelka Maanka iyo Nabadeynta ee Waddamada ka soo kabanaya Dagaallada iyo Dhibaatooyinka kale sida Saboolnimada ( Mental Health as integral component of state-building/peacebuilding for post-conflict societies)


Musharax Xildhibaan:


Murashax xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Rowda Cabdullahi Colaad, ayaa markii ay taariikhdu ahayd 22da Oktoobar 2020, kaga dhawaaqday murashaxnimadeeda xildhibaannimo xaflad ka dhacday Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Rowda oo aheed guddomiyihii hore ee Degmada Waaberi,  Gobalka Banaadir waxaa lagu xasuustaa shaqo badnaan iyo hufnaan, howshaas  Rowda waxa ay ku kasbatay oraadii reer Waaberi ee ahayd “Rowdaa timid roobaa da’ay ”.

Xaflada ku dhawaaqista murashaxnimada xildhibaannimo ayaa waxaa ka soo qeyb-galay nabaddoono, dhalinyaro, haween, culumaa-udiin iyo maamulka Degmada Cadaado.

Rowda ayaa xafladda ka sheegtay “masiirka matalaadda waa in la iska ilaaliyo dallaal iyo danleey siyaasadeed”.  Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayey raacisay “danihiinna gaarka ah danta guud ayay ku jirtaan, dowladnimo ayaa deeqda deegaankaan “ .

Rowda ayaa tiri balanteenu waa ” U adeegida Deegaanka, Dalka, iyo Katalinta Maslaxada Qaranka”. Oraahdaan oo ah halqabsiga ololaha Musharax Xildhibaan Rowda. 

Ogow waa masuuliyad ku saaran katalinta aayaha mustaqbalka jiika danbe

Rowda Abdullahi
Musharax xildhibaan

Dib u eeg Rowda Abdullahi Olad